Madaxweynaha Comoros oo beeniyay inuu xukunka ku wareejin doono wiilkiisa

0
277

Madaxweynaha dalka Comoros Azali Assoumani oo sanadkii 1999-kii qaab afgembi ah kula wareegay talada ayaa beeniyay inuu doonaya in xilka ku wareejiyo wiilkiisa.
Waxaa uu tan iyo 2002-dii ku soo baxay ilaa afar doorasho.
Khamiistii ayay ahayd markii la soo tabiyay inuu madaxweynaha taageerayaashiisa u sheegay inuu talada u gacan gelin doono wiilkiisa.
Hasa ahaate , xafiiska madaxweynaha Comoros oo markii dambe bayaan soo dhigay barta Facebook-ga ayaa xusay in Azali uunan marnaba sheegin in wiilkiisa Nour El Fath uu hoggaanka ka dhaxli doono.
Waxaa bayaanka lagu xusay inuu wiil soo hadal qaaday balse uunan inankiisa ula jeedin.