DHAGEYSO: Xisbiga Jubilee oo sheegay in Fred Matiang’i uu 2027 u tartami doono xilka madaxtinnimo

0
319

Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa shaaciyay in musharraxooda xilka madaxweynennimo ee doorashada guud ee sanadka 2027-da uu noqon doono Dr.Fred Okengo Matiang’I oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha ee dalka.
Kioni ayaa sidoo kale xusay in ay diyaar u yihiin in ay iskaashi siyaasadeed la sameeyaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la joogo xilligii bulshada ka soo jeedda gobolka Bartamaha dalka ay hoggaanka waddanka fursad u siin lahayd sida uu hadalka u dhigay qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay senatarka ismaamulka Kisii Richard Onyonka oo sheegay in aynan mowqifkooda beddeli doonin.