Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo dalka ku soo dhaweeyay madaxweynaha Ghana

0
210

Waxaa xalay dalka safar ku yimid madaxweynaha waddanka Ghana John Mahama.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ,Kimani Ichung’wah ayaa Mahama ku soo dhaweeyay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo bishii Labaad ee sanadkii hore loo magacaabay mas’uulka Midowga Afrika ee AU-da u qaabilsan u ololeynta isbeddelka hay’adeed ayaa halkan ku marti gelinaya madaxda kale ee qaaradda Afrika.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa hormuud u ah dadaallada maamullada ka jiro dalalka Afrika looga dhigaya kuwa wax ku ool ah sida xoojinta awoodda Midowga Afrika ee la tacaalidda caqabadaha ka taagan qaaradda iyo haleelidda hadafyadeeda.