Maxkamadda sare ee ismaamulka Nakuru ayaa amartay waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da laanteeda deegaanka bariga Nakuru iyo sarkaalka mas’uulka ka ah seeraha qaran ee harada Nakuru inay soo bandhigaan kalluumayste Brian Odhiambo ama maydkiisa maalinta Talaadada ee 28-ka bishan Janaayo .
Amarkan ayaa sidoo kale farayaa saraakiishan in ay faahfaahin ka bixiyaan xaaladaha la xiriiray xiritaankiisa.
Garsoore Julius Nangea ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in qof matallo waaxda DCI-da ismaamulka Nakuru uu ka soo hor muuqdo maxkamadda isla taariikhdaasi ka dib codsi ay soo gudbisay Waaxda Madaxa Banaan ee Medico Legal Unit (IMLU).
Dadka ku nool deegaannada Kivumbini, Manyani, iyo Bondeni oo hoos tago Nakuru ayaa bannaan bax xooggan toddobaadkan ka waday ismaamulkaasi kadib markii la waayay Brian.
Odhiambo ayaa markii ugu dambeysay la arkay iyadoo ay la socdaan saraakiisha adeegga duur joogta Kenya ee KWS.
David Kuria oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqul aadanaha ee Nakuru ayaa sheegay in arrintan ay maxkamadda geeyeen 22-kii bishan January si xal looga gaaro.
Shacabka oo tan iyo maalintii la waayay Odhiambo waddooyinka ku dibadbaxayay ayaa wacad ku maray inay ka dhiidhin doonaan ilaa inta ay saraakiisha KWS ka soo saarayaan Odhiambo .
Waxaa ciidamada lagu eedeyay inay garaaceen Brian oo ay ku jiidayeen gaarigii ay wateen, ka dibna aan dib loo arag.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, Brian Odhiambo ayaa waxaa si awood loo adeegsaday u kaxeeyay saraakiisha adeegga duurjoogta Kenya kuwaasi oo ilaalinayay seeraha qaran ee Lake Nakuru Sabtidii 18-kii bishan .