Kenya iyo Guinea Bissau oo kala saxiixday heshiisyo dhowr ah

0
174

Dowladaha Kenya iyo Guinea-Bissau ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirrada dibloomaasiyadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in labada waddan ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan iskaashigooda dhanka maalgashiga iyadoo laga faa’iidaysanaya aagga xorta ah ee ganacsiga qaaradda Afrika iyo heshiiska ganacsi ee saddex geesoodka ah oo mideynaya dalladaha COMESA, EAC, iyo SADC.
Ruto oo xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay dhiggiisa waddanka Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embaló oo Kenya booqasho rasmi ah ku yimid ayaa hoosta ka xarriiqay in ay doonayaan in laga faa’iido kartida iyo awoodda wax soo saarka shacabka si loo helo kobac dhaqaale.
Ruto ayaa sheegay inuu Guinea-Bissau kala shaqeyn doono sidii isbeddello loogu sameyn lahaa Midowga Afrika si loo dardargeliyo nabadgalyada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Waxaa isbeddelladan qayb ka ah dib u habeynta maxkamadda cadaaladda ee Afrika si loo xalliyo murannada dhanka sharciga ah.
Madaxweynaha dalka iyo dhiggiisa Guinea-Bissau ayaa walaac ka muujiyay isku-dacyada ka taagan Suudaan iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxay madaxda Afrika ugu baaqeen in ay ka wada shaqeeyaan dib u soo celinta nabadgalyada iyo xasilloonida waddamadan.
William Ruto ayaa bogaadiyay kaalinta Guinea-Bissau ay ku biiriso howlaha amniga iyo nabad sugidda ee gobolka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in Kenya ay ka go’an tahay iskaashiga lagu xoojinaya hindisayaasha amni ee Afrika.
Madaxweynaha qaranka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay qasab tahay in mudnaan la siiyo amniga iyo nabadgalyada maadaama ay gun-dhig u yihiin arrimaha warshadaha , shaqo abuurka iyo tacabka hantida.
Ruto ayaa sheegay in aan ganacsi iyo maalgashi badan laga sameyn karin jawi colaadeed iyo amni darro.
Waxaa uu ku baaqay in laga faa’iidaysto fursadaha qarniga 21-aad si gaar ah kartida aadanaha , macdanta iyo kheyraadka tamarta.
Madaxweynaha ayaa xusay in Kenya iyo Guinea-Bissau ay isla eegayaan in la furo duullimaad toos ah oo ay shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways ay diyaaradaheeda ku tagayaan waddanka Guinea-Bissau si loo dardargeliyo isku xirka labada dal.
Sidoo kale , waxaa uu shaaciyay in Kenya ay deeqo waxbarasho siin doonto ardayda Guinea-Bissau, iyadoo taageeradan si gaar ah diiradda loogu saaraya arrimaha beeraha , ganacsiga iyo dalxiiska.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale dhiggiisa dalkaasi Umaro Sissoco Embaló uga mahadceliyay inuu taageeray musharraxnimada Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Hoggaamiyaha Guinea-Bissau ayaa dhankiisa xusay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada waddan gaar ahaan dhinacyada danaha ka dhexeeya.
Wuxuu sheegay in dowladahan ay aasaasi doonaan nidaamyo adag oo lagu sii ballaarinaya wada shaqeynta.
Madaxweyne Embaló ayaa sidoo kale cadeeyay in maamulkiisa uu daneynaya xaqiijinta nabadgalyada iyo xasilloonida Afrika si barwaaqo loo wada gaaro.