DHAGEYSO: Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka digay siyaasadda ku saleysan qabyaaladda

0
167

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa shakhsiyaadka dowladda dhaliila ku boorriyay in ay ka fogaadaan siyaasadda ku saleysan qabyaaladda iyo kala qaybinta.
Waxaa uu kula taliyay in taasi beddelkeeda ay u ololeeyaan nabadgalyo iyo midnimo.
Xilli uu ka qayb galay munaasabad lagu dhagax-dhigayay dhismaha suuqa casriga ah ee Luanda ee ismaamulka Vihiga ayuu Kindiki hoosta ka xarriiqay in maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza ay ka go’an tahay dardargelinta horumarka iyo wanaajinta nolosha kenyaanka.
Waxaa uu sheegay in ay si gaar ah diiradda u saarayaan arrimaha beeraha, xoolaha , kalluumeysiga , macdanta , sare u qaadidda kobaca dhaqaale iyo shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada.