Garsoore Chacha Mwita oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja u qabtay muddo 14 cishe ah.
Waxaa Kanja laga doonaya inuu muddadan gudaheeda ku shaaciyo halka uu jiro wakiilka deegaanka hoose ee Dela ee ismaamulka Wajeer Yuusuf Xuseen Axmad oo la waayay.
Waxaa kiiskan maxkamadda geeyay ururka qareennada dalka ee (LSK), barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi iyo xubno matalaya wakiilka maqan.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska, waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da iyo waaxda dacwad oogidda ayaa laga doonaya in ay dacwaddan ka soo jawaabaan.
Sidoo kale , maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) ayaa daneynaya ku biiridda dacwaddan.
13-kii bishii Sagalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii la soo tabiyay in Yuusuf Xuseen Axmad laga afduubtay magaalada Nairobi waxaana tan iyo xilligaasi dowladda baaq u dirayay qoyskiisa, madaxda iyo shacabka ismaamulka Wajeer.
Hal bil ka dib markii la waayay ayaa meyd isaga loo maleynayay laga helay harada Yahuud ee Wajeer hasa ahaate labo baaritaan oo la xiriira hidde-sidaha DNA oo si madax bannaan loo sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in meydka la arkay uunan ahayn wakiilka.
Waxaa xigay in golaha ay ku mideysan yihiin wakiillada deegaannada hoose ee dalka uu ku hanjabay inuu hakin doono fadhiyada goleyaasha ismaamullada haddii aan meel lagu sheegin Yuusuf Xuseen.
Wakiillada ayaa maqnaanshaha wakiilka ku eedeyay dowladda waxayna sheegeen in afar maalmood ka hor inta aan la waayin ay u yeereen saraakiisha ammaanka ee Wajeer.
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo taliyaha booliiska ku amartay inuu soo bandhigo wakiilka Dela...