Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku xigeenkiisi hore Rigathi Gachagua ku eedeyay inuu isku dayey in kenyaanka lagu kala qaybiyo qaab qab yaaladeysan.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi aan muujin karti la xiriirta gudashada waajibaadkii loo igmaday, dhagar badan sidoo kalena ku howlanaa musuqmaasuq.
Gachagua ayaa tan iyo markii sanadkii hore xilka qaadis lagu sameeyay waxaa uu aad u dhaliilayay maamulka madaxweyne William Ruto.
Hasa ahaate , hoggaamiyaha qaranka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Luanda ee ismaamulka Vihiga sheegay in Gachagua uunan lahayn mustaqbal siyaasadeed.