Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhinteen weerar ay ciidamada militariga ee Israa’iil ka gaysteen Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgallada socdo ay xerada qaxootiga ee Jenin ka dhigeen mid aan lagu noolaan karin.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , waxaa duqeymaha Israa’iil ee gudaha Qaza lagu dilay in ka badan 47,107 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 111,147 kale.