WHO oo walaac ka muujisay in Maraykanka uu soo afjaray xubinnimada hay’addan

0
287

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay ka qoomameynaysa go’aankii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku shaaciyay in ay isaga baxeen hay’addan.
Waxay hay’addu sheegtay in ay diyaar u tahay wada hadal furan oo lagu xallinaya ismari waaga jira.
Sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii uu Donald Trump ku hanjabay in Maraykanka uu soo afjari doono ka mid ahaanshaha WHO oo uu ku dhaliilay in aynan sida habboon u maareyn cudurkii COVID-19 sidaasi awgeedna ay tahay in lala xisaabtamo.
Maraykanka ayaa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO si wayn u taageerayay tan iyo sanadkii 1948 xilligaasi oo uu xubin ka noqday.