Xuutiyiinta oo siidaayay shaqaalaha markab ay horay u qabsadeen

0
60

Kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda dalka Yemen ayaa sheegtay in ay siidaysay 25 qof oo shaqaale ah.
Dadkan ayaa ka shaqeynayay markabka Galaxy Leader oo ay horay kooxdan gacanta ugu dhigtay.
Waxaa ay muddo dhan 430 cishe ka soo wareegatay xilligii ay Xuutiyiinta la wareegeen markabkan iyagoo xilligaasi tallaabada ay qaadeen ku tilmaamay garab istaagga Falastiiniyiinta ku dhibaateysan Marinka Qaza.