Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Turkiga Cali Yerlikaya ayaa shaaciyay in xabsiga loo taxaabay 9 ruux.
Dadkan ayaa lala xiriirinaya dab Talaadadii qabsaday maqaaxi kaasi oo ay ku nafwaayeen 76 qof.
Waxaa shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ka mid ah milkiilaha maqaaxida iyadoo su’aallo la iska waydiinaya tallaabooyinka xaqiijinta badqabka ee goobtaasi gubatay.
Dowladda Turkiga ayaa 6 dacwad oogayaal ah u xil saartay in ay hoggaamiyaan baaritaanno lagu sameynaya dhacdadaasi.
Maqaaxida Grand Kartal Hotel, ayaa ku taalla dhisme ka kooban 12 dabaq waxayna goobjoogayaal warbaahinta u sheegeen in uu cilladoobay hannaanka la socodka dhacdooyinka dababka ee maqaaxidaasi.
Ilaa 238 qof oo ahaa martidii la diiwaangeliyay ee halkaasi ku sugnayd ayaa sheegay in markii uu dabka kacayay aynan maqlin wax digniin ah
Wasiir Cali Yerlikaya ayaa sheegay in meydadka 45 qof lagu wareejiyay ehelladooda halka la wado baaritaannada hidda-sidaha DNA-ga si loo aqoonsado meydadka kale.
Wasiirka ayaa sheegay in kastoo ay murugada la qaybsanayaan qoysaska iyo ehellada dadkii ku waxyeelloobay dhacdadaasi haddana in lala xisaabtami doono cidii ka dambeysay.
Maamulka maqaaxida ayaa sheegay inuu ka qoomaneynaya waxa dhacay oo uuna ballan qaadaya inuu si dhow ula shaqeyn doono saraakiisha dambi baarista.
Dhanka kale , madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Arbaco ah shaaciyay in ay tahay maalin baroordiiq qaran.