Ciidamada booliiska ee deegaanka Juja ayaa gacanta ku haya haweeney 20 sano jir ah oo u dhalatay dalka Uganda oo lagu eedeeyay in ay si xun u toorriyeysay nin uu xiriir kala dhexeeyay oo 23 sano jir ahaa.
Dhacdadan ayaa Isniintii laga soo tabiyay xaafada Mastore ee deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Eedeysanaha oo magaceeda lagu sheegay Cynthia Nakato oo ka mid ah dadka guryaha ka shaqeysta ayaa lagu eedeeyay in ay ugu yaraan toddobo dhaawac ah u geysatay saaxiibkeed taasoo keentay in uu dhinto.
Sida laga soo xigtay warbixinta booliiska ,qofka dhintay ayaa lagu magacaabayay Peter Macharia.
Dhacdadaasi ka dib, meydka dhibbanaha ayaa loo qaaday qaybta meydadka ee Thika General Kago Mortuary halkaas oo la filayo in lagu sameeyo baaritaan si loo ogaado sababta dhabta ah ee dhimashadiisa.
Taliyaha booliiska Juja Jackson Sang ayaa xaqiijiyay dhacdadan foosha xun.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay lamaanayaasha da’da yar in ay raadiyaan habab kale oo nabdoon oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda, isaga oo carrabka ku adkeeyay cawaaqib xumada ka dhalan karta rabshadaha.
Nakato ayaa wali ku jirta saldhigga booliiska ee Juja iyadoo ay socdaan baaritaannada la xiriira arrintan.