Waxaa ay weli xiisad sare ka taagan tahay tuulada Msalaba ee degmada Malava ee ismaamulka Kakamega ka dib markii dad careysan ay gubeen hooyga ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka Mavala Township.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay in uu gacan saar la lahaa qaar ka mid ah dadka tuulada ku nool oo dilay laba qof oo looga shakiyay in ay xoolo xadeen kuwaasi oo laga takhalusay aroornimadii hore ee shalay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay meydadka labada qof ka soo saareen isbitaalka Malava ka hor inta aysan u sii gudbin guriga ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka halkaasoo ay ka sameeyeen burbur.
Waxaa ay ku andacoonayaan in labada ruux ee la dilay aysan ahayn tuugo balse ay ahaayeen ganacsato xoolo dhaqata ah.
Ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka ayaa labada qof oo rarayo xoolaha habeenimadii Isniintii qabtay xilli uu sameynayay kormeerka habeennimo.
Inta uu socday iska hor imaadka ayaa la sheegay in labada nin ay u suurtagali weyday in ay caddeeyaan sababta ay xoolaha u raranayeen xilliga habeennimada, taasoo ah dhaqan dhawaanahan la mamnuucay.
Waxaa arrintan xigay garaac arxaan darro ah oo loo geystay shakhsiyaadkaasi taas oo horseedday in ay dhintaan iyaga oo lagu daaweynayo isbitaalka Malava.
Dhacdadan ayaa naxdin iyo fajac ku reebtay bulshada.
Taliyaha booliska ee deegaanka hoose ee Malava Paul Mwenda ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo digniin adag u diray dadka deegaanka oo uu uga digay inay sharciga gacmahooda ku fuliyaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in baaritaanno dheeri ah lagu sameyn doono arrintan.