Afhayeenka aqalka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamed ayaa sheegay in wax shaqo ah la waayi doonin ka dib go’aankii golaha wasiirrada ee ahaa in la isku daro 42 shirkadood oo dowladeed oo loo arko in ay fuliyaan shaqooyin isu dhow ama isku mid ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in hay’adahan dowliga ah lagu soo reebo 20.
9 hay’adood oo dowli ah ayaa sidoo kale lagu kala diri doonaa dib u habeynta lagu dhawaaqay ka dib shirkii golaha wasiirrada ee madaxweyne William Ruto guddoominayay shalay ee ka dhacay madaxtooyada yar ee Kakamega State Lodge.
Kuwo kale ayaa dib u habeyn lagu sameyn doonaa waxayna tallaabadan dowladdu ku tilmaantay mid lagu yareynaya luminta kheyraadka dadweynaha.
Go’aankan ayaa dhaliyay hadal heyn ku saabsan suurtagalnimada in shaqo la’aan ay soo wajahdo dadka Kenyaanka ah ee ka shaqeeya shirkadaha dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha ay arrintan saameysey ay ku milmi doonaan shaqada hay’adaha dadweynaha isla markaana aynan jiri doonin cid shaqadeeda waysa.
Golaha Wasiirrada ayaa shalay xusay in qiimeyn ay sameeysay wasaaradda maaliyadda dalka lagu ogaaday in shirkado badan ay ku dhibaatooyin kala kulmayeen inay ka soo baxaan waajibaadkooda sharciga ah, taasoo keentay in deymaha lagu leeyahay ay gaaraan ila iyo 94.4 bilyan oo shilin dhamaadkii bishii 3-aad ee 2024.
42-ta shirkadood ee la soo jeediyay in la isku daro ayaa waxaa ka mid ah sanduuqa maalgalinta jaamacadda oo lagu wado in lagu biiriyo guddiga amaahda waxbarashada sare ee HELB iyo hay’adda waddooyinka miyiga ee dalka oo lagu mideynayo midda waddooyinka magaalooyinka waddanka.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah sagaalka shirkadood ee la qorsheeyay in la kala diro ayaa waxaa ka mid ah Guddiga Kala soocida Filimada Kenya, Maamulka Horumarinta Waddada isku xirta dekadda Lamu, Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya ee LAPSSET, Maamulka Suuqgeynta Kalluunka dalka iyo Xarunta Waxbarashada Xisaabta, Sayniska iyo Farsamada ee Afrika.
Shaqada shirkadahan ayaa dib loogu wareejin doonaa wasaaradaha ay hoos tagaan.
Sidoo kale waxaa la kala diri doonaa 16 shirkadood oo ay ka mid yihiin shirkadda Numerical Machining Complex iyo Shirkadda Warshadaha Kalluumeysiga ee wadanka.
Golaha Wasiirrada ayaa carrabka ku dhuftay in shirkadahan loo arko kuwo aan muhiim ahayn ama ku habboon maamulka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
6 shirkadood oo ay ku jiraan Kulliyadda waxbarashadda dalxiiska ee dalka iyo Shirkadda Boostada Kenya ayaa dhanka kale dib u habeyn lagu sameyn doonaa si ay ula jaan qaadaan waajibaadkooda iyo wanaajinta waxqabadka.
Ugu dambeytii ururrada xirfadlayaasha ah sida golaha Kalkaaliyeyaasha waddanka iyo guddiga Injineerada ee dalka ayaan dib dambe loogu qoondayn doonin miisaaniyada dowladda.
Home Wararka Kenya Dowladda oo sheegtay in aynan shaqo la’aan noqon doonin howlwadeennada shirkadaha meesha...