Ciidamada dheeraadka ah ee ay Kenya u dirtay Haiti oo halkaasi gaaray

0
259

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran , Kipchumba Murkomen ayaa xaqiijiyay in caasimadda dalka Haiti ee Port-au-Prince ay gaareen ciidamo dheeraad ah oo halkaasi loo diray.
Waxaa uu xusay in saraakiisha booliiska oo ah ilaa 217 askari ay ku biirayaan howlgalka taageerada amni ee ay dalal kala duwan iska kaashanayaan ee (MSS).
Qoraalka Murkomen waxaa qayb ka ah in saraakiisha uu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Haiti Alix Didier Fils-Aime oo ay wehelinayaan mas’uuliyiinta kale ee dowladda dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ciidamada dheeraadka ah ee ay Kenya Haiti gaysay ay door wayn ka qaadan doonaan dib u soo celinta nidaamka kala dambeynta ee waddankaasi.
Waxaa saraakiisha wehelinaya ku xigeenka la-taliyaha madaxweynaha ee amniga qaranka Mr. Joseph Boinnet, ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska sidoo kalena hoggaamiyo booliiska maamulka ee AP-da Mr. Gilbert Masengeli iyo taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da Mr. Ranson Lolmodooni.