Xildhibaanka Bariga Narok oo kulan amni la yeeshay shacabka

0
262

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Narok ,Ken Aramat ayaa kulan looga hadlayay xaqiijinta ammaanka la yeeshay dadweynaha aagga ganacsiga ee Duka Moja.
Waxaa uu rayidka ku boorriyay in ay is dejiyaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dibadbax ka dhacay halkaasi ay ku waxyeelloobeen shacab iyo qaar ka mid ah ciidamada booliiska.
Dadweynaha ayaa xiray waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Narok iyo Nairobi ka dib markii uu baabuur bas ah jiiray in ka badan 40 neef oo ida ah.
Waxaa weli socdo baaritaannada la xiriira dhacdadaasi iyadoo dib loo soo helay qori ay dibadbaxayaasha ka qaateen mid ka mid ah ciidamada ammaanka.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa shacabka uga digay in ay weeraraan saraakiisha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda shaqo.
Baaqan ayaa ku soo aadaya ka dib markii rabshadihii ka dhacay Narok lagu dhaawacay ilaa 9 askari oo mudaaharaadka ka falcelinayay.