DHAGEYSO: Qoyska iyo ehellada sarkaal militari oo baaq u diray dowladda

0
495

Qoyska iyo ehellada Cabdullahi Ciise oo ah sarkaal militari oo la sheegay inuu muddo 9 sano ah gacanta ugu jiro Al-Shabaab ka dib weerarkii Ceel-Cadde ee sanadkii 2016-kii ayaa dowladda ka codsaday in ay ka caawiso sidii uu sarkaalka dib ugu heli lahaa xurriyadiisa.

Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan la faafiyay muuqaal laga dhex arkaya Cabdullahi oo codsanaya in garab lagu siiyo sidii uu qoyskiisa ula midoobi lahaa.
Qaybta ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta u qaabilsan isgaarsiinta istaraatiijiga ah ayaa dhankeeda sheegtay in ay wado baaritaan lagu xaqiijinaya muuqaalkaasi.