Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa hoggaamiyaasha dalka ugu baaqay in ay soo afjaraan waxyaabaha aan wanaagsanayn ee ay ka sheegaan dowladda.
Waxaa uu mas’uuliyiinta kula taliyay in ay dowladda ku taageeraan u adeegidda shacabka iyo fulinta qorshaheeda horumarineed.
Omollo ayaa xusay in madaxda laga doonaya in ay noqdaan kuwo xilkas ah oo ay dhammaantood la xisaabtami karaan kenyaanka.
Xoghayaha ayaa dhanka kale ardaydii sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee KCSE-da ku boorriyay in ay waxbarashada sii wataan.
Waxaa uu tilmaamay in maamulka Kenya Kwanza uu raasimaal badan ku bixiyay waxbarashada sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la taageero ardayda ku biiraya jaamacadaha iyo machadyada lagu barto culuunta farsamada ee TVETs.
Omollo ayaa madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga ku amaanay inuu madaxweyne Ruto siiyay jawi deggan iyo waqti ku filan oo uu qaranka ugu adeego.
Waxaa uu dhanka kale shacabka gobolka Nyanza ka codsaday in madaxda ay soo doorteen ay fursad u siiyaan oofinta waxyaabihii ay u ballan qaadeen.