Dembi baarayaal ka tirsan waaxda dembi baarista dalka ee DCI-da ayaa billaabay baaritaanno ku aaddan dil kale oo qarsoodi ah oo loo gaystay haweeney da’yar ahayd oo meydkeeda laga helay meel u dhow xabaalaha Lang’ata ee magaalada Nairobi.
Qoyska haweeneyda ayaa sheegay in la waayay ka hor inta aysan booliiska ,reerkan ku soo wargelin geerida gabadhooda.
Saraakiisha booliiska ayaa kaymaha ku hareereysan qabuuraha Lang’ata ka raadinaya caddeymo.
Baaritaanno horudhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in la faraxumeeyay ka dibna la ceejiyay.
Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa xusay in aysan weli kala caddeyn karin in dilka uu ka dhacay meel u dhow xabaalaha iyo in haweeneydan lagu dilay meel kale oo meydkeeda lagu soo tuuray kayntan.
Baaritaanka ayaa lagu aqoonsaday qofka dhintay inay tahay Nancy Boke Chacha oo 23 sano jir ahayd.
Mary Nyakerario oo ka mid ah qoyska Nancy ayaa carrabka ku dhufatay in ay suurtagal tahay in la faraxumeeyay maadama markii la helayay aysan sidan dharka hoose.
Saraakiisha waaxda dembi baarista ayaa hadda dabagal ku haya daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha Nancy Boke si loo ogaado ciddii ay la kulantay inta aan la dilin ka hor iyo sidoo kale raadinta tallaabooyinkeedii ugu dambeeyay.
Meydkeeda ayaa la geeyay xarunta meydadka la dhigo ee Nairobi Funeral Home iyadoo la sugaya in qalliin baaritaan ah lagu sameeya meydkeeda waxaana dhanka kale billowday dabagal ka dhan ah dadkii falkan ka dambeeyay.