Guddoomiyaha Siaya oo eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah xubnaha ODM

0
252

Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa ku eedeeyay qayb ka mid ah xubnaha xisbiga Orange Democratic Movement (ODM) inay si arag la’aan ah u taabacsan yihiin madaxweyne William Ruto iyagoo aan su’aal gelin khaladaadka maamulkiisa.
Xilli uu ka qayb galay xafladda aaska ee meydka guddoomiyihii hore ee guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha ee ( KNCHR) Roseline Odede ayuu carrabka ku adkeeyay in xubnaha ODM ay ku adkaadaan mowqifkooda ayna ka muuqdaan dhanka wanaagsan ee taariikhda.
Barasaabka ayaa walaac ka muujiyay kiisaska afduubka oo sare u kacay bilihii la soo dhaafay isagoo ugu baaqay dowladda inay soo afjarto arrintan.
Orengo ayaa xusay in marka ay badato nacamleynta dowladda dhexdeeda in aan lagu baraarugin waxyaabaha aasaaska ah.
Waxaa hadalka siyaasigan taageeray senetarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna oo ku boorriyay madaxda ODM ee dowlada ku jira inay ka hadlaan cadaalad darrada ka jirta dalka.
Tan iyo markii ay ku soo biireen golaha wasiirrada, afarta wasiir ee ODM oo kala ah Xassan Cali Joho, Wycliffe Oparanya, John Mbadi iyo Opiyo Wandayi ayaa u ololeeya garab siinta madaxweyne William Ruto iyo bogaadinta waxqabadka maamulkiisa.