Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Mr. Renson Ingonga ayaa maxkamadda qaabilsan dhageysiga dacwadaha musuqmaasuqa ka codsaday in ay xukun ku riddo barasaabkii hore ee ismaamulka Busia Sospeter Ojaamong iyo shakhsiyaad kale oo lala soo eedeyay.
Waxaa ay wajahayaan kiis musuqmaasuq oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 8 milyan oo shilin.
Mr. Renson ayaa ku doodaya in waaxda uu hoggaamiyo ay dacwadda ku caddeysay Ojaamong iyo 8 tuhmaneyaal oo dheeraad ah taasina aan shaki la gelin karin.
Sidoo kale , waxaa uu maxkamadda waydiistay in eedeysaneyaasha loo diido in ay xil dadweyne qabtaan muddo 10 sano ah sida ku qeexan qaybta 48-aad ee xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dembiyada dhaqaale ee (ACECA).
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay go’aan soo saarto 16-ka bisha Shanaad ee May ee sanadkan.