Labo ka mid ah garsoorayaasha ee maxkamadda sare ee Iran ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday bannaanka dhismaha maxkamadda ee bartamaha Tehran, sida ay sheegeen garsoorka iyo warbaahinta dowladda.
“Dilka” waxaa fuliyay qof hubeysan, kaasoo is dilay ka dib markii uu rasaas ku furay garsoorayaasha subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay xarunta warbaahinta ee garsoorka.
Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Hojjat al-Islam Razini iyo Hojjat al-Islam wal-Muslimeen Moqisseh, kuwaas oo mid walba uu madax ka ahaa qeyb kale oo maxkamada ka tirsan.
Ilaa iyo hadda ma cadda cidda uu yahay ninka weerarka geystay iyo waxa uu salka ku hayo.