Wasaaradda caafimaadka ee dalkani Kenya ayaa xaqiijisay laba kiis oo dheeraad ah oo ka dhan ah caabuqa furuq daanyeerka ee Mpox loo yaqaan ‘Mpox.
Tan ayaa wadarta guud ka dhigaysa xaaladaha caabuqa ee Kenya laga diiwangaliyay 33 tan iyo markii uu dalka ka dillaacay.
Kiisaska cusub ee caabuqa Mpox waxaa laga helay ismaamulada Kericho iyo Taita Taveta.
Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha Mary Muthoni ayaa sheegtay in wadar ahaan 225 qof looga shakiyay xanuunkaas iyadoo 216 ka mid ah lala socday xaaladahooda muddo 21-maalmood ah.
Sagaal ka mid ah dadkaas, ayaa laga helay cudurka Mpox,” ayay sheegtay Mary Muthoni.
Muthoni ayaa sidoo kale xustay in 2.9 milyan oo qof oo safar ah lagu baaray goobaha laga soo galo dalka , iyadoo dadka looga shakisan yahay caabuqaas baaritaan dheeri ah lagu sameeyay.
Mrs Muthoni ayaa xaqiijisay in Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada, ay kor u qaadayso waxbarashada caafimaadka iyo hirgelinta tallaabooyin dheeri oo ka dhan ah iskuullada si looga hortago faafitaanka cudurka ‘Mpox’ ee xarumaha waxbarashada.