Kenya ayaa 270 askari oo dheeri ah u dirtay dalka Haiti, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka taageerada amniga caalamiga ah. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada dalka ay habeenimadii xalay ka dhoofeen garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta. Ciidamadan loo dirayo dalka Haiti ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo rabshadaha sii kordhaya ee kooxaha burcadda ah ee ka dagaalamaya gudaha dalka Haiti, halkaas oo kooxaha hubaysan ay buux dhaafiyeen qaybo ka mid ah caasimadda oo kumannaan qof ay ku khasbeen inay guryahooda ka cararaan.
Saraakiisha Kenya ayaa la filayaa in ay xoojiyaan dadaalka howlgalka ee lagu xasilinayo dalka iyo in ay taageeraan ciidamada ammaanka ee deegaanka si loo soo celiyo nidaamka kala dambeynta iyo amniga dalkaas.
Bishii June ayay ahayd markii 400 oo sarkaal ah ay Kenya u dirtay dalka ay dagaaladu ragaadiyeen ee Haiti si ay u fuliyaan ballan qaadkii ahaa in la soo celin doono xasiloonida waddanka Haiti. Dhanka kale, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu sii wadi doono taageerada howlgalka kaddib marka uu xilka la wareego toddobaadka soo socda.