Imran Khan oo lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah

0
287

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa ra’iisul wasaarihii hore ee waddankaas Imran Khan maanta ku xukuntay 14 sano oo xabsi ah.
Xaaskiisa, Bushra Bibi ayaa iyadana la xiray 7 sano.
Tani ayaa timid ka dib markii lala xiriiriyay musuqmaasuq iyo ku tagriifal awoodeed gaar ahaan maareynta mashruuca jaamacadda Al-Qadir University .
Imran Khan ayaa sidoo kale lagu ganaaxay 1 milyan oo lacagta dalka Pakistan ah una dhiganta 3,500 oo doollar halka xaaskiisa Bibi la saaray ganaax qiimahan barkiisa ah.
Waxaa go’aankan soo saartay maxkamadda magaalada Rawalpindi, oo ka howlgalaysay xabsiga Adiala ee Imran Khan lagu hayay tan iyo bishii 8-aad ee sanadkii 2023.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xukunka maxkamadda horay dib loo dhigay ilaa saddex mar.
Bushra Bibi ayaa laga qabtay maxkamadda.