Xamaas oo faahfaahisay waxyaabaha ay kula heshiisay Israa’iil

0
337

Mas’uul ka tirsan ururka Xamaas oo lagu magacaabo Izzat al-Risheq ayaa sheegay in heshiiska uu yahay mid buuxiyay dhammaan shuruudahoodii.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dalabkoodii ahaa in ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ay Qaza si buuxda uga baxaan iyo in la soo celiyo barakacayaasha ka qaxay guriyahooda.
Xamaas ayaa sidoo kale dalbanaysay in si buuxda loo soo afjaro duullaanka militari ee Qaza taasi oo la isku afgartay.
Haddii uu heshiiskan meel maro, waxaa la filayaa inuu si rasmi ah u dhaqangalo Axadda soo socoto ee 19-ka bishan Jannaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa madaxweynaha Maraykanka ee xafiiska banneynaya Joe Biden iyo hoggaamiyaha la doortay ee dalkaasi Donald Trump uga mahadceliyay dadaalka ay geliyeen in lala heshiiyo Xamaas.
Waxaa uu sheegay in tani ay culeyska ka dul qaadi doonto maxaabiista iyo qoysaskooda.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii , weerarrada Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay in ka badan 46,707 Falastiiniyiin ah halka lagu dhaawacay 110,265 kale.