Wasiiradda caafimaadka oo raalligelin ka bixisay culeyskii soo foodsaaray SHA

0
326

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa kenyaanka ka raalligelisay cilladii shalay soo foodsaartay hannaanka caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxay arrintaasi horseedday in qaar ka mid ah bukaannada isbitaalka qaran ee Kenyatta ay tageen xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka iyagoo dalbanaya in la cillad-bixiyo SHA.
Bukaannada ayaa saraakiisha wasaaradda ku eedeyay in ay bogaadinayaan nidaamkan in kastoo lagala kulmaya caqabado dhanka adeegyada ah.