Maxkamadda magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa amar ku bixisay in la baaro hidda-sidaha nin 30 sano jir ah.
Geofrey Ouro ayaa ku eedeysan inuu faraxumeeyay oo uu uureeyay gabadh ay da’deedu tahay 16.
Garsoore sare Daniel Sitati ayaa booliiska ku amray in ay tuhmanaha , dhibbanaha iyo canugga ay dhashay ay geeyaan shaybaarka dowladda ee ismaamulka Kisumu halkaasi oo baaritaanka lagu sameyn doono.
Waxaa uu xaakinka go’aamiyay in saraakiisha ammaanka ay Ouro xabsiga ku sii hayn karaan saddex cishe si natiijada baaritaanka loo helo .
16-kii bishii Shanaad ee May ee sanadkii hore ayay ahayd markii booliiska loo gudbiyay warbixinta faraxumeynta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay mar kale kiiskan soo hadal qaaddo 9-ka bishan Jannaayo.