Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladdu ay si wayn ula dagaallami doonto caqiidooyinka halista ah ee ay faafiyaan qaar ka mid ah kaniisadaha.
Waxaa uu ka hadlay dhacdo laga soo tabiyay deegaanka Rongo ee ismaamulka Migori oo ay ku geeriyoodeen labo qof oo kaniisad u tagay in ay caafimaadaan.
Murkomen ayaa saraakiisha maamulka ee dowladda sida guddoomiye xaafadeedyada ku booriyay in ay mar kasta feejignaadaan.
Waxaa uu shacabka kula taliyay in ay laamaha ammaanka ku soo wargeliyaan xarumaha diimeed ee lagu faafiyo caqiidooyinka khatarta ku ah dadweynaha.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Murkomen oo sheegay in si wayn loola dagaallami doono caqiidooyinka halista ah