Dowladda oo sheegtay in ay dhisaysa biyo xireenno badan oo lagu taageerayo beeralayda

0
337

Wasiirka wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dalka Eric Mugaa ayaa sheegay in dowladda ay taageeri doonta beeralayda, si ay u helaan biyo ku filan islamarkaana uu wax soo saarkooda noqdo mid laga faa’iideysto.
Waxaa uu xusay in la dhisi doona biyo xireenno badan oo kordhin doona dhul beereedka oo hadda ah 6,000 iyadoo la gaarsiinaya ilaa 9,000.
Hadalkan, ayuu wasiirka ka sheegay ismaamulka Uasin Gishu, xilli uu kormeeray mashaariicda biyaha ee dowlad deegaankaasi.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la filayaa in berri uu mashaariic horumarineed ka fuliyo ismaamulka Uasin Gishu.