Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay , ugu yaraan 51 ruux ay ku dhinteen weerarrada ay Israa’iil weli ka gaysanaysa Qaza.
Waxaa dadkan ka mid ah carruur iyo haween.
Dhanka kale , madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa dalbaday in marka uu xafiiska la wareegaya ay Xamaas soo siidayso maxaabiista Israa’iil ee lagu haya Qaza.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii aynan sidaasi dhicin in xaaladdu ay faraha ka bixi doonto.
Ra’iisul Wasaaraha Lebanon ,Najib Mikati ayaa dhankiisa sheegay in Israa’iil ay ku howlan tahay ku xadgudubka heshiiskii ay la gaartay kooxda Xisbullahi ee waddankaasi.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, waxaa duqeymaha militari ee Israa’iil ee gudaha Qaza lagu dilay in ka badan 45,936 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 109,274 kale.