Madaxa fulinta ee machadka tababarka caafimaadka ee KMTC, Kelly Oluoch ayaa sheegay in boqolkiiba 34 ee ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee fursadda u hela in ay ku biiraan laamaha kala duwan ee machadkan aynan soo xaadirin.
Waxaa uu tani u aaneeyay in ardaydan aynan haysan maalgelin dhanka tacliinta ah.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in boqolkiiba 27 ee ardayda aynan dhameysan tababarka, dhaqaale la’aan awgeed.
Kelly ayaa lacagta aynan weli bixin ardayda KMTC dhigta ku sheegay 1.54 bilyan oo shilin.