Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa xubnaha baarlamaanka isugu yeeray kal-fadhi gaar ah oo qabsoomaya Khamiista taariikhduna ay ku beegan tahay 16-ka bishan Jannaayo.
Go’aankan ayuu Wetangula qaatay ka dib codsi uga yimid hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah iyo madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee golaha qaran ee xeer dejinta Junet Maxamad.
Xubnaha baarlamaanka ayaa maalinkaasi eegi doona soo jeedinnada golaha fulinta ee dowladda iyo magacabiis uu madaxweynaha dalka William Ruto sameeyay.
Waxay xildhibaannada baarlamaanka dalka sidoo kale ka doodi doonaan warbixinnada la soo gudbiyay iyagoo tixgelin doona hindise sharciyeedyada mudnaanta leh.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa 19-kii bishii hore ee Diseembar sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn , kuwaas oo isugu jiray jagooyin wasiir iyo safiirro dibadeed.
Xubnahan la soo magacaabay ayaa la filayaa inay baarlamaanka ansixiyaan toddobaadka dambe.