Ugu yaraan 30,000 oo qof oo lagu amray in ay ka wareegaan Los Angeles

0
397

In ka badan 30,000 oo qof ayaa lagu amray in ay iskaga guuraan magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Maraykanka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay dab xooggan saameeyay magaaladaasi.
Waxaa lagu soo warramayaa in dabkaasi u burburiyay in ka badan 13,000 oo guriyo ah islamarkaana uu abuuray ciriir dhanka isku socodka gaadiidka ah.
Dhul uu cabbirkiisu yahay ugu yaraan 2,921 eekar ama (1,182 hektar) oo ka mid ah aagga Palisades ee badweynta Pacific-ga ee u dhexeyso magaalooyinka xeebta ee Santa Monica iyo Malibu ayaa gubtay.
Dabka ayaa si xowli ah u fidaya iyadoo saraakiisha ay ka digeen in dabaylaha ay si kordi karaan baaxadda dabka taasoo keentay walaac laga qabo in xaafado badan ay ku qasbanaadaan inay qaxaan.
Ka hor inta uusan dabka billaaban, adeegga cimillada qaran ee Maraykanka ayaa soo saaray digniintii ugu sarreysay ee xaaladaha dabka ba’an ee inta badan magaalada Los Angeles.
Waxaa uu adeeggan sidoo kale sheegay in xowliga dabaylaha u noqon doono 80 ilaa 130 kiiloomitir saacadiiba.