Labo qof ayaa lagu xiray magaalada Nairobi ka dib howlgal ay booliiska ka sameeyeen goobo lagu iibiyo buugaagta.
Dadkan ayaa lagu helay iyagoo iibinaya buugaag faalis ah.
Howlgalka oo ay fuliyeen ciidamada booliiska oo kaashanaya ururka shirkadaha buugaagta daabaca ee KPA ayaa lagu soo qabtay tobanaan buug oo been abuur ah.
Saraakiisha booliiska ayaa howlgallada ka sameeyay dhowr goobood oo laga shakiyay in macaamiisha looga iibinayay buugaag aan rasmi ahayn.
Tani ayaa timid ka dib markii toddobaadkii hore 5 eedeysanayaal ah lagu xiray magaalada Nairobi kuwaas oo dhammaantood lala xiriirinayay iibinta agabka waxbarashada ee been abuurka ah.
Ganacsiga sharci darrada ah ayaa khatar weyn ku ah ganacsiyada sharciga ah ee iibinaya buugaagta saxda ee uu soo saaray ururka KPA.
Dhanka kale, ururkan ayaa shaaca ka qaaday in dib u dhac uu ku imaan doono helidda buugaagta fasallada 5, 6, 7 iyo 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe.
Waxaa tani loo aaneeyay soo jeedin ka timid guddi uu madaxweynaha u saaray qiimeynta manhajka waxbarasho ee CBC-da taasi oo ku aaddanayd in la yareeyo maaddooyinka ay qaataan ardayda sida uu sheegay madaxa fulinta ee shirkadda daabacaadda buugaagta ee Bariga Afrika Kiarie Kamau.