Ugu yaraan 53 qof oo ku dhintay dhulgariir ka dhacay galbeedka Shiinaha

0
280

Mas’uuliyiinta dalka Shiinaha ayaa ku warramaya in dhulgariir xooggan oo ka dhacay galbeedka waddankaasi ay ku nafwaayeen in ka badan 53 qof.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay gobolka Tibet ayaa waxaa ku dhaawacmay 62 ruux oo kale.
Wakaaladda wararka rasmiga ee Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganaysa xarunta gargaarka ka dhanka ah musiibooyinka ee gobolka, ayaa ku warrantay in dhulgariirkan uu sidoo kale saameeyay dalka Nepal ee dariska la ah waddankaasi.
Wasaaradda Maareynta xaaladaha degdegga ah ee Shiinaha ayaa sheegtay in ilaa 1,500 oo saraakiisha dab damiska ah iyo kuwa samatabbixinta la geeyay goobta si ay dadka uga raadiyaan burburka.
Dhulgariirkan ayaa dhacay abaare 9:05 subaxnimo ee saacadda dalkaasi.
Xarunta shabakadda dhulgariirka ee Shiinaha ayaa sheegtay in dhulgariirkan uu lahaa saameyn qoto dheer oo ah ilaa iyo 10 kiilomitir ama (6.2 mayl).
Shabakaddan ayaa diwaangelisay cabbirka dhulgariirka in uu ahaa 6.8 balse aahanka Juquraafiga ee Maraykanka ayaa cabbirkan ku qiyaasay 7.1.
Wakaaladda Xinhua ayaa soo warisay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen saddex magaalo oo kala ah Changsuo, Quluo iyo Cuoguo oo ku yaalla Shigatse ee ku xeeran ismaamulka Tingri halkaas oo dhismayaal badan ay ku dumeen.