Guddiga KHRC oo dalbanaya in ay is casilaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka

0
168

Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ee KHRC ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku dalbaday in ay is casilaan madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen.
Siyaasiyiinta kale ee uu guddigan doonaya in ay xafiisyada banneeyaan waxaa ka mid ah guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi, hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah, xildhibaanka deegaanka Tiaty ee ismaamulka Baringo William Kamket, dhiggiisa Kapseret Oscar Sudi iyo mudanaha deegaanka Sirisia ee ismaamulka Bungoma John Waluke.
Waxaa uu guddiga madaxdan ku eedeyay in ay jeediyeen hadallo u muuqda kuwo lagu tageeraya afduubyadii dalka ka dhacay.
Liiska shakhsiyaadka laga dalbaday in ay is casilaan waxaa ku jira taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja.
Dhanka kale , guddiga KHRC ayaa maamulka talada dalka haya ku eedeyay caburinta shakhsiyaadka u ololeeya dimuqraadiyadda.
Bayaanka waxaa qayb ka ah in aan marnaba qiil loo raadin karin afduubyada liddiga ku ah xeerarka waddanka lagu maamulo.
KHRC ayaa dalbatay in baaritaanno qoto dheer oo madax bannaan lagu sameeyo afduubyadii dhacay si loola xisaabtamo dadkii ku lugta lahaa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la soo siidaayay ilaa 5 ka mid ah 6 dhallinyaro ah oo la waayay sanadkii hore.