Xerada qaxootiga ee Xagardheer ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa waxaa dhawaan ka dillaacay cudurka Kaduudiyaha oo ay la jiifaan qaar badan oo ka mid ah bulshada xeradaasi.
Waxaa uu xanuunkan wataa qandho iyo lafo xanuun.
Inkastoo aan baaritaanno rasmi ah lagu sameynin, haddana waxaa la xajiijiyay in dadka qaar ay u dhinteen kuwaas oo lagu arkay calaamadaha xanuunkan oo xumad iyo xanuun badan leh.
Haddaba, qaar ka mid ah shacabka xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa ka warramay saameynta uu cudurkan ku yeshay bulshada deegaanka.
Dhanka kale, bahda caafimaadka gaar ahaan isbitaallada gaarka loo leeyahay ee xerada Xagardheer ayaa ku mashquulsan la tacaalidda dadka uu saameeyay xanuunkan.
Dr. Yuusuf Macallin oo ka mid ah dhakhaatiirta xerada Dhagaxleey oo ah khabiir caafimaad oo ka howlgala mid ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ayaa ka hadlay saameynta cudurkan iyo sida loola tacaalo dadka uu soo ritay, wuxuuna u warramay Maxamad Baaruud Xuseen.