DHAGEYSO:IEBC oo dalbatay in la baaro dilkii mid ka mid ah saraakiisheeda loogu gaystay Mombasa

0
157

Madaxa fulinta ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Marjan Xuseen Marjan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo baaro dilkii loo gaystay ku simihii maareeyaha doorashooyinka ee ismaamulka Kilifi Caa’isha Akinyi Abubakar.
Haweeneydan ayaa lagu dilay gurigeeda oo ku yaalla xaafada Utange ee ismaamulka Mombasa.
Ka dib aaskii Caa’isha oo uu ka qayb galay, ayuu Marjan cambaareeyay dhacdadaasi iyo shakhsiyaadkii ka dambeeyay.
Waxaa uu sheegay Caa’isha inay ahayd shaqaale howlkar ah oo si wanaagsan ugu adeegi jirtay guddiga.

Caa’isha ayaa guddiga IEBC ku soo biirtay sanadkii 2012-kii xilligaasi oo ay ahayd isku duwaha doorashooyinka ee deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa.
Hoggaamiyayaasha ismaamulka Mombasa laga soo doortay ayaa dhankooda ugu baaqay booliiska inay sameeyaan howlgallo lagu sifeynayo kooxaha dambiilayaasha ah oo maalmihii la soo dhaafay soo badanayay.

Sida lagu sheegay warbixinta booliiska guriga Caa’isha ayaa laba ruux u soo dhaceen aroornimadii hore ee Axadda.
Eedeeysanayaasha ayaa goobta ku toorriyeyay Caa’isha iyo Khaasim Xassan oo ah 18 sano jir oo ay dhashay.
Ka dib waxay xadeen taleefoonka gacanta ee Caa’isha, TV-ga, iPad-ka iyo taleefoon kale ka hor inta aysan ka baxsan goobta.
Dhakhaatiirta isbitaalka Premier ayaa xaqiijiyay geerida Caa’isha.