DHAGEYSO:5 ka mid ah dhallinyaradii la afduubtay oo xurriyadooda dib u helay iyagoo badqaba

0
315

Qoysaska shan ka mid ah lix dhallinyaro ah oo la afduubtay labo toddobaad ka hor ayaa sheegay in carruurtooda ay xurriyadooda dib u heleen islamarkaana ay badqabaan.
Dhallinyarada la afduubtay ee xurriyadooda dib u helay ayaa kala ah Billy Mwangi, Peter Muteti, Bernard Kavuli, Kibet Bull iyo Rony Kiplangat, kuwaas oo la midoobay qoysaskooda.
Ma aysan dhallinyarada sheegeen sida ay wax u dhaceen iyo qaabkii loo afduubtay.
Waxaa dhallinyarada ku muuqday jahwareer, daciifnimo iyo jir dil, sida ay qoysaskooda sheegeen.
Qaar ka mid ah qoysaska dhallinyarada xurriyadooda dib u helay ayaa warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale mid ka mid ah dadka la afduubay oo lagu magacaabo Steve Mbisi, ayaa ilaa iyo hadda meel lagu ogayn.
Afduubyada laga soo tabiyay qaybo ka mid ah waddanka ayaa lala xiriiriyay inay ka dambeyso dowladda dhexe ee dalka.