Golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) ayaa berri oo Isniin ah soo saari doono natiijada imtixaanka fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee (KPSEA) sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada.
Bayaan ay wasaaraddu soo saartay ayaa waalidiinta lagu wargeliyay in natiijooyinka imtixaanaadka laga heli doono baraha dugsiyada 6-da bishan.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku boorrisay waalidiinta inay hubiyaan natiijooyinka carruurtooda isla marka la furo barahan.
Imtixaanaadka KPSEA ayaa ah hannaan lagu qiimeeyo ardayda fasalka 6-aad ee Grade 6, waxaana lagu eegaa saameynta manhajka ardayda xilli hore looga soo dhisaya dhanka xirfadaha ee (CBC) uu ku leeyahay tacliinta aasaasiga ah.
Dhanka kale, wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay in xilli dugsiyeedka koowaad ee sanadkan oo berri billaabanaya uu ka koobnaan doono 13 isbuuc, waxayna ardayda qaadan doonaan nasasho yar oo 5 cishe ah.
Home Wararka Kenya Wasaaradda waxbarashada oo sheegtay in berri la soo saari doono natiijada imtixaanaadka...