Waxaa lagu warramayaa inay geeriyootay Tomiko Itooka oo u dhalatay dalka Japan, islamarkaana ahayd qofka ugu da’da weyn dunida marka loo eego diiwaanka caalamiga ee Guinness World Records, ayaa geeriyootay iyada jirta 116 sano.
Yoshitsugu Nagata, oo ah sarkaal mas’uul ka ah siyaasadaha dadka da’da ah, ayaa sheegay in Itooka ay ku dhimatay gobolka Hyogo, ee bartamaha waddanka Japan.