Kindiki oo beeniyay inuu jiro khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha

0
167

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa beeniyay inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyaha qaranka William Ruto.
Tani ayaa timid ka dib markii kenyaanka ay su’aal geliyeen sababta uunan uga soo muuqan munaasabado dhowr ah oo uu madaxweynaha waddanka ka qayb galay.
Waxaa munaasabadahan ka mid ahaa khudbaddii la xiriirtay sanadka cusub ee 2025 ee uu madaxweynaha ka jeedinayay ismaamulka Kisii, casho sharaf uu mas’uuliyiinta u sameeyay iyo aaskii hooyada guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangua.
Hasa ahaate, Kindiki ayaa shalay magaalada Tigoni ee ismaamulka Kiambu ka sheegay inuu nasanayay oo aynan wax dhibaato ah jirin.
Waxaa uu kenyaanka ku boorriyay in ay iska dhaga tiraan waxyaabaha la faafinaya.