Madaxweynaha xafiiska banneynaya ee dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa khudbaddiisii u dhambeysay shaaca uga qaaday in waddankaasi uu daahfurayo socdaalka fiisa la’anta ee dhammaan dadka haysto baasaboorrada waddamada qaaradda Afrika.
Waxaa u sheegay in qorshahan uu dhaqangalay billowga sanadkan.
Dalka Ghana ayaa noqonaya waddanka shanaad ee Afrika, kaas oo oggolaaday socdaalka fiisa la’aanta ee dalalka qaaradda intooda kale.
Afarta waddan kale ayaa kala ah Rwanda, Seychelles, Gambia iyo Benin.