Saraakiisha booliiska ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ayaa lagu soo warramayaa inay billaabeen howlgal ay ku raadinayaan haweeney la sheegay inay baxsatay ka dib markii ay gubtay labo carruur oo ay dhashay kuwaas oo geeriyoodeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hooyada ay carruurta guriga kor kaga xirtay islamarkaana ay dab qabadsiisay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay nawaaxiga buundada Moi ee ismaamulka Uasin Gishu.
Dadka dariska la ahaa haweeneydan ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu muran u dhexeeyay aabaha iyo hooyada carruurteeda dishay.
Carruurta dhintay ayaa da’doodu u dhexeysay 2 ilaa 4 sano jir.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in hooyada la waayay wax yar ka dib markii guriga ay dab qabsadsiisay xilli ninkeeda uu shaqo ku maqnaa.