Ugu yaraan 150 qof ayaa lagu dilay weerarrada ay militeriga Israa’iil ka wadaan marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Dhimashada 150 ruux ayaa la diiwangeliyay 48 saacadood ee ugu dambeysay.
Dadkan ayaa lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ee militeriga Israa’iil.
Waxay dadkan isugu jiraan 73 qof oo la sheegay in la dilay shalay halka 77 kale la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarradii maalinkii Khamiista ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Qaza.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in xarigga Israa’iil ee agaasimaha isbitaalka Kamaal Adwan Dr. Hussam Abu Safiya ay astaan u tahay ujeeddka xasuuqa ee isku dayga ballaaran ee Israa’iil ay ku doonayso inay ku baabi’iso waaxda daryeelka caafimaadka ee Qaza.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas oo lagu magacaabo Basem Naim ayaa sheegay in kooxdooda ay dhab ka tahay heshiis xabad joojin ah, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qaza iyo in dadka go’doonsan dib loogu celiyo guryahooda.
Madaxa xuquuqul insaanka ee qaramada Midoobay Volker Turk ayaa sheegay in hay’addan ay diiwaangelisay 136 weerar oo Israa’iil ay ku qaadday 27 xarumo caafimaad oo ku yaalla Qaza, kuwaas oo sababay dhimasho iyo burbur xooggan.
Duullaanka militari ay Israa’iil wali ka wado marinka Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayaa lagu dilay ugu yaraan 45,658 qof halka muddadaasi la dhaawacay 108,583 kale oo Falastiniyiin ah.