Madaxweynaha dalka oo kenyaanka ugu baaqay inay u hoggaansamaan shuruucda waddanka lagu maamulo

0
324

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay u hoggaansanka shuruucda waddanka lagu maamulo.
Kenyaanka ayuu ku boorriyay inay ilaaliyaan sharciga.
Waxaa uu meesha ka saaray cabsida laga qabo in dowladda ay caburineyso kenyaanka dhaliilsan maamulkiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda dhexe lala xiriiriyay afduubyada laga soo tabiyay qaybo ka mid ah waddanka.
Madaxweynaha dalka ayaa ku boorriyay bulshada qaybaheeda kala duwan sida uu hadalka u dhigay in wax laga qabto falalka xushmad darrada ee ku soo korortay baraha bulshada ay ku wada xiriirto.
Waxaa uu ka digay in haddii aan laga hortagin falalka xushmad darrada ah ee dhallinyarada ku soo bandhigaan baraha bulshada ay dalka u horseedayso fowdo.
Madaxweyne Ruto ayaa hoosta ka xariiqay in dhammaan hay’adaha ammaanka ay xaq u leeyihiin in ay si madax bannaan u gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan la faragelin.
Waxaa uu si cad u sheegay in fal dembiyeed kasta ay tahay in la baaro haddii uu galay muwaadin, dambiile ama xitaa booliiska.
Hadalkan ayuu madaxweynaha dalka ka sheegay ismaamulka Bungoma, oo uu shalay uga qayb galay aaska hooyada guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Moses Wetang’ula.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo muddooyinkii dambe qaybo ka mid ah waddanka laga soo tabiyay dhacdooyin la xiriira afduubyo.