Dambi baarayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in maanta aynan u suurtagelin inay xabsiga u taxaabaan madaxweynihii xilka laga qaaday ee waddankaasi Yoon Suk Yeol.
Maamullada Kuuriyada Koonfureed ayaa hakiyay isku daygii lagu doonayay in lagu soo xiro Yoon sida laga soo xigtay xafiiska baaritaannada ku sameeya saraakiisha sare ee dowladda.Madaxa xafiiskan ayaa xusay in ay go’aansadeen in ay joojiyaan isku dayga ay ku doonayaan in lagu xiro Yoon ka dib markii ay ciidanka ilaalada ee madaxweynaha ay ka hor istaageen dembi baarayaasha in ay galaan guriga madaxtooyada.
Baarayaasha ayaa soo gaaray guriga Yoon subaxnimadii hore ee maanta si ay u xiraan hoggaamiyaha oo lagu eedeeynayo kacdoon iyo ku takrifal awoodeed oo la xariira soo rogidda sharci militariga dalkaasi siinaya awood buuxda.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee ay dowladda maalgaliso ee Yonhap madaxa illaalinta madaxweynaha Park Jong-joon ayaa u diiday baarayaasha inay gudaha u galaan guriga Yoon isagoo soo xigtay xadiidaadda la saaro melaha ay ku duugan yihiin sirta militariga.
Warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan goorta iyo sida ay mas’uuliyiintu xabsiga u dhigi doonaan Yoon ayaa isa soo tarayay tan iyo markii maxkamadda Seoul horraantii toddobaadkan ay oggolaatay codsigii dacwad oogayaasha ee ahaa in la soo xiro Yoon Suk Yeol.