Ururka ganacsatada shaaha ee Bariga Afrika oo digniin u diray soo saarayaasha Nandi

0
324

Ururka ay ku mideysan yihiin ganacsatada shaaha ee gobolka Bariga Afrika ee (EATTA) ayaa uga digay soo saarayaasha shaaha ee ismaamulka Nandi in ay caleenta shaaha ka iibsadaan waratada.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo cusboonaadeen falalka sharci darrada ah ee caleenta shaaha looga gura beeraha Sitoi Tea Estate oo ay maamusho shirkadda Eastern Produce Kenya Limited.
Bayaan uu soo saaray agaasimaha guud ee ururka EATTA ,George Amuga ayuu warshadaha iyo daneeyayaasha ku boorriyay in ay u hogaansamaan shuruucda u degsan ka ganacsiga shaaha.
Xeerarkan ayaa si adag u mamnuucaya in caleenta shaaha laga iibsado ilaha sharci darrada ah oo la wareejiyo.
Agaasimaha ururkan ayaa tilmaamay in tallaabo laga qaadi doono xubin kasta oo ka soo iibsanaysa caleenta cagaaran ee shaaha beeraha Sitoi Tea Estate ama laga yaabo inay ku kacdo wax ka hor imaanayo shuruucda shaaha.
Xubnaha EATTA ayaa loogu baaqay inay taageeraan dadaallada lagu xallinayo arrinta taagan iyagoo ka fogaanaya iibsashada caleenta shaaha ee ay keensadeen waratada xiriirka la leh beeraha Sitoi Tea Estate oo ayna maamullada iyo ururka ku wargeliyaan waxyaabaha ay ka shakiyaan.